NAVIGATION
 
Home
About Us
Site Map
Sunday Music
Raadraac
Saado Profile
Audio Music
Video Music
Albums
Heeso Wadani ah
Heeso Cusub
Fanaaniinta
Radio Muqdisho
News in English
Photo Gallery
Warar Af-Somali ah
Faalooyin
Contact us
 
HEESTA MAANTA
   
EVENTS & CONCERTS
   
HEESO CUSUB
 
Hees Caad iyo Miroon -IIdle Yare
HEES CUSUB SAANI IILA HADAL -YURUB BELLA
Hees Tamashleey Fanaan Weheliye
Hees Dhulkiina Caasha Karaama Siidi -Wadani Qaasim
Dhageyso hees cusub Ma ogtahay Galmudugeey Part2
Hees Tabco -Xaawo Kiin New song
Fadeexo Seynab Labadhagax oo cod xumo la ildaran
Hees Raaliya -Abdirizak BK
 
 
   
FARRIINTA FANKA IYO FANNAANKA SOOMAALIYEED
 
This page has been viewed 3714 times.
  Mon, Sep, 24-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Waxaa qoray Bashiir Cali Xuseen. Barbaariye@hotmail.com

Cunaabi.com - Mudane madaxweyne Xasan Sh, Maxamuud, mudane guddoomiyaha baarlamaanka Prf: Jawaari iyo guud ahaan xildhibaannada sida xalaasha aheyd loo soo doortay intuba mudanayaal iyo marwooyin naga guddooma hambalyo ku aaddan caleemo saar kiinna iyo Somalia oo heshay dowlad aan ku meel gaar aheyn dalkeedana isku dhex dooratay.

Haddaba mudanayaal iyo marwooyin, xilligii uu hal heysku ahaa axyaa waddani ee gumeysiga la la dirirayay fannaanka Soomaaliyeed, wuxuu ahaa horseed safka hore la taagan guubaabadiisa suugaaneed, isla markaana qaansada iyo gamuunka aan iska dhigin, golxabka iyo warankana cadowga ku beer gooya, idinkuna sidoo kale, mudanayaal iyo marwooyin dhammaantiin, waxaa leydin ka doonayaa inaad ka faa’iideysataan kuna dhiirataan tilmaamaha iyo tusaalooyinka wanaagsan ee ay idiin soo tabinayaan ( tix-maalka, af-maalka, cag-maalka iyo suxufiga qalin maalka ah ) taas oo aan filayo iney dalka iyo dadka Soomaaliyeed idil ahaantoodba guul u noqon doonto.

Mudane madaxweyne xorriyaddii ka dib, dowladihii dalka soo maray ee rayid iyo millateriba lahaa, waxey ku soo aflaxeen oo uu saanqaad koodu ahaa xikmadaha suugaaneed ee ay fannaaniintu bulshada ku dhiirri gelinayeen, xag bulsho, xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba.

Mudanayaal iyo marwooyin mas’uuliyiinta xilka noo qaadayow qaran aan adeegsanin cududaha fanka, farshaxanka iyo isboortiga meel ma gaaro, waayo bulshada is dhaxgal keeda iyo is jacaylkeedaba, wuxuu ka dhashaa dhinacyada aan soo tilmaamay, haddii kuwaasi la tixgelin waayana bulshadu waxey ku mashquulsanaan doontaa siyaasadda iyo kuraasta aad ku fadhidaan ee fadlan indhaha kala fura!.

Helitaanka xorriyaddii Soomaaliya ee curatay 1960kii, inta badan waxaa loogu abtiriyaa in ay guusheeda ka dhalatay dagaalkii suugaaneed iyo guubaabadii joogtada aheyd ee uu fannaanka Soomaaliyeed ku kicinayay dadkiisa.

Eeg halkan abwaan Hadraawi oo xilligii xorriyadda ka hadlaya, wuxuu leeyahay:-

Xamar iyo hargeysaba

Dhagax iyo hangooliyo

Heellaa xoreysee

Wallee hoobalkoon jirin

Libini soo ma hoyateen.

Haddaba mas’uuloow horumarka doon oo aqoon ku doon suugaantana farriin uga dhig, waayo waa dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed la’aanteedna qabyaa jiri doonta ee taa maanka ku sii haay.

Suugaani wey ku duulisaa

Marna wey ku daadihisaa

Farxad kugula dakeysaa

Ubax kugu dul daadisaa

Doc kale haddii laga eego

Digniin bey xanbaarsan tahay

Dalka xuduudihiisa iyo

Dadkey afhayeen u tahay

Dulmina ma yeeli doonto

Indhaha dadkey ku tustaa

Ee xilka daacad ka ahow!.

Ugu danbeystii mudanayaal iyo marwooyin xilka la idiin dhiibay ma yara ee alla ha idiin fududeeyo idinkuna ahaada kuwo ku sifooba ( dadaal badni, daacadnimo, waddaniyad, dal iyo dad jacayl, anshax wanaag iyo dimuqraadiyad islaami ah).

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
 
  Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc. © Copy Right Hooyga Suugaanta iyo dhaqanka ee Cunaabi 2010-2014 All Rights Reserved.