NAVIGATION
 
Home
About Us
Site Map
Sunday Music
Raadraac
Saado Profile
Audio Music
Video Music
Albums
Heeso Wadani ah
Heeso Cusub
Fanaaniinta
Radio Muqdisho
News in English
Photo Gallery
Warar Af-Somali ah
Faalooyin
Contact us
 
HEESTA MAANTA
   
EVENTS & CONCERTS
   
HEESO CUSUB
 
Hees Caad iyo Miroon -IIdle Yare
HEES CUSUB SAANI IILA HADAL -YURUB BELLA
Hees Tamashleey Fanaan Weheliye
Hees Dhulkiina Caasha Karaama Siidi -Wadani Qaasim
Dhageyso hees cusub Ma ogtahay Galmudugeey Part2
Hees Tabco -Xaawo Kiin New song
Fadeexo Seynab Labadhagax oo cod xumo la ildaran
Hees Raaliya -Abdirizak BK
 
 
   
XUSEEN SHIRE CIYAAR JECEL"ABWAAN DHUGDHUGLE WAXAAN U BIXIYAY CEEL LA HELAY"
 
This page has been viewed 4446 times.
  Wed, Mar, 27-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
INTAAN JOOGA ADUUNKIYO IFKAAN HIIL KAA SUGAYAAYE IXSAANKAAD MAANTA SAMEEYSAAN ABAALKII GUDAYAAYEE IIL MARKII LA I GEEYO ABOOR UU I DHAMEEYSTO UBAX AAD SAARTO DUSHEEYDIYO OOHIN KAAGAMA BAAHNI --------------- UGUB MAAHA JACEYLOO AADAN IYO XAAWAA INDHAHAA U BASAASAY ARAGAAGA XABIIBO URUGAAD IGU BEERTOO AAD BAAN KUUGU HILOOBAY --- ERAY AAN KU QABOOBAAN ADNA KAA SUGAYAAYOO INAAD II DAMQI DOONTANA UDGOON WAAN FILAYAAYE UDUB DHIGIISA HOREETIYO AAS AASKIISA LAHAAYEE HEEYGU EEGIN XANUUNKAA

Abwaanka weyn Xuseen Shire Ciyaar jecel ayaa hal abuure uu ka cabsaday ku tilmaamay Abwaan Cabdiraxmaan Macalin Xasan oo loo yaqaan DHUGDHUGLE.
Abwaan Xuseen Shire Ciyaar jecel oo wareeysi siiyay Radio Waagacusub ayaa yiri "Abwaan Dhugdhugle waxaan u bixiyay CEEL LA HELAY maxaa yeelay erayada uu sameeyo ayaa cajiiba,waxaan ku tilmaami karaa Maskaxdiisa CEEL SUUGAAN ka buuxdo"ayuu yiri Abwaan Xuseen Shire .
Abwaan Dhugdhugle ayaa sameeyay heeso fara badan oo laga xusi karo hees la yiraa HEEYGU EEGIN XANUUNKA iyo DHAANTO Cajiiba oo Xuseen Shire Ciyaar jecel qaado hasse yeeshee todobaadkaan ayuu SCORE jibiyay kadib markii uu soo saaray hees saameeyn ku yeelatay qalbiya badan oo la magac baxday HOOYO.
Heesta Hooyo waxaa soo qaaday Fanaan Cabdi Shire Jooqle.
Waa hees erayadeedu micno weyn xambaarsan yihiin looguna magacdari karo HADIYAD HOOYO.
Hadii aan dib ugu laabto HEEYGU EEGIN XANUUNKA.waa erayo cajiiba oo halheys jaceyl noqon kara dhamaan balse aan ka soo qaatee qeyb ka mida ila akhri.
INTAAN JOOGA ADUUNKIYO
IFKAAN HIIL KAA SUGAYAAYE
IXSAANKAAD MAANTA SAMEEYSAAN
ABAALKII GUDAYAAYEE
---
IIL MARKII LA I GEEYO
ABOOR UU I DHAMEEYSTO
UBAX AAD SAARTO DUSHEEYDIYO
OOHIN KAAGAMA BAAHNI
---------------
UGUB MAAHA JACEYLOO
AADAN IYO XAAWAA
UDUB DHIGIISA HOREETIYO
AAS AASKIISA LAHAAYEE
HEEYGU EEGIN XANUUNKAA
Woof ishcalaa erayo,xikmad iyo halku dhig ku cusub afka Somaliga hasse yeeshee markii uu gabadha sii raajiciyay muxuu leeyahay Abwaanka????
INDHAHAA U BASAASAY
ARAGAAGA XABIIBO
URUGAAD IGU BEERTOO
AAD BAAN KUUGU HILOOBAY
---
ERAY AAN KU QABOOBAAN
ADNA KAA SUGAYAAYOO
INAAD II DAMQI DOONTANA
UDGOON WAAN FILAYAAYE
-------------
UGUB MAAHA JACEYLOO
AADAN IYO XAAWAA
UDUB DHIGIISA HOREETIYO
AAS AASKIISA LAHAAYEE
HEEYGU EEGIN XANUUNKAA
Abwaan Dhugdhugle hubaal hadal ulama harin oo xitaa waa u quus gooyay mar hadii uu ku yiri maalinta Aboorka i dhameeysto inaba kaagama baahni inaad ubax u dul dhigto ama ii ooysid ee intaan ifkaan jooga kaalay oo ila noqo olog jaceyl.
Todobaadkaana intaas aan ku dhaafno qormada kooban ee ABWAAN CEEL LA HELAY EX DHUGDHUGLE ,Aniga waxaan leeyahay XABIIBEEY HAKU EEGIN XANUUNKA USTAAD INA HABREEDKEEY.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
 
  Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc. © Copy Right Hooyga Suugaanta iyo dhaqanka ee Cunaabi 2010-2014 All Rights Reserved.